Muqdisho —
Dawladda Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay shir loogu magacdaray “Geeddi-socodka Hirgelinta Hannaanka Dib-u-heshiisiinta Qaran”, oo uu daahfuray Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.
Shirkan waxaa soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.
Haddaba Falastiin Axmed Iimaan ayaa khadka telefoonka ee Muqdisho kula xiriirtay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali Xoosh, waxayna weydiisay inuu faahfaahiyo ujeeddada shirkan.
Madal