Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaalida Sweden oo ka walaacsan awood dheeri ah oo la siiyey booliska


Booliiska dalka Sweden ayaa la siiyey awood ay ku joojiyaan kuna baaraan da’yarta ama dhalinta xirta funaanadaha koofiyada leh ee ay uga shakiyaan in ay maagan yihiin falal anshaxa bulshada ka dhan ah.

Ra’iial Wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya ciidamada qalabka sida ay “ugaarsan doonaan oo ay jabin doonaan” kooxaha dambiilayaasha ah ee rabshadaha wada.

Dadka u dooda xuquuqda bulshada laga tirada badan yahay Sweden ayaa ku doodaya in awoodan booliiska la siiyey ay ku bartilmaansan doonaan dhallinyarada madow, qaab cunsuriyadi ay ku jirto.

Wariyaha VOA ee Qaarada Yurub Cabdixaafid Cawil Ismaaciil ayaa arrinkan ka wareystay xildhibaan Laila Ali Elmi oo xubin ka ah baarlamanka dalka Sweden, waxay ku billaabeysaa faah-faahin ku saabsan sharcigan.

Soomaalida Sweden oo ka walaacsan awood dheeri ah oo la siiyey booliska
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:59 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG