Washington —
Maandooriyaha Marijuana waxa uu ka mid yahay waxyaabaha naadirka ah ee la isku raaco, marka la eego siyaasadda kala qeybsan ee Mareykanka.
Ra'yi ururinada la sameeyay ayaa muujiyey in 88 boqolkiiba dadka Maraykanku ay taageeraan ugu yaraan qayb ahaan sharciyeynta maandooriyahan.
Laakiin dadka u dooda adeegsiga xashiishadan ayaa sheegaya in midkoodna musharraxiinta ugu horeeya doorashada Madaxwenaha uusan ka faa'ideysan mowqifka dadka.
Weriyaha VOA Scott Stearns ayaa diyaariyey warbixintan. Maxamed Colaad Xassan ayaa soo jeedinaya.
Madal