Xubno ka tirsan golaha Senate-ka ee Maraykanka kana tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa walaac ka muujiyay awoodda isa soo taraysa ee uu Ruushku ku sii yeelanayo Qaaradda Africa.
Iyadoo dhawaan uu Maraykanku go'aansaday in uu hakiyo qaar ka mid ah shixnadaha hubka ee uu u diro Israel, ayaa dagaalka Gaza waxa uu hadda noqday qayb ka mid ah hadallada kulkulul ee la isku adeegsado ololaha doorashada madaxtinimada Mareykanka.
Waxaa hoos u dhacay bannaanbaxyada iyo cabashooyinka ay samaynayeen qaar ka mid ah ardayda jaamacadaha dalkan Maraykanka, xilli lagu jiray qalin-jebinta oo jaamacadaha iyo iskuulladuba ay fasaxyo galayaan.
Arrintan dhaqaalaha Maraykanku waa mid ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee cod-bixiyeyaasha Maraykanku ay isha ku hayaan tartanka madaxtinimo ee u dhexeeya Joe Biden iyo Donald Trump.
Musharaxa madaxtinimada Mareykanka Donald Trump ayaa qorsheynaya in uu olole ka sameeyo gobolka Michigan todobaadkan, iyada oo gobolkan uu ka mid yahay gobollada faro ku tiriska ah ee saamaynta ku yeelan kara natiijada doorashada madaxtinimada ee bisha November.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa soo jeediyey sharci cusub oo dedejinaya hanaanka dacwadaha ee dad gaar ah oo magangalyo doonka ka mid ah, kuwaas oo ku sugan xadka Mexico iyo Maraykanka.
Magaalada Dallas ee gobolka Texas ee dalka Maraykanka waxaa lagu soo gabagabeeyey shirkii 16-aad ee ganacsiga Maraykanka iyo Africa, kaasi oo sanadkan diirada lagu saaray iskaashiga guusha wax ku oolka ah
Kuwo kale