Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Caruurta Soomaalida ee qurbaha iyo barashada Af-Soomaaliga


Qaar ka mid ah Soomaalida qurbaha ku nool ayaa xil wayn iska saara buuxinta kaalin bulshada badankeedu dareensan yihiin inay banaan tahay oo ah qoritaanka buuggaag sheekooyin, dhacdooyin iyo caqli korin iskugu jira oo loo qoro carruurta Soomaalida ee ku nool wadamada dibadda amaba kuwa ku sugan dalkii hooyo.

Buuggaagta Afka Soomaaliga ku qoran ee dhawaanahan ku soo badanaya Soomaalida Qurbaha ayaa noqonaya xudun is fahan, iyo wada sheekaysi dhex mara carruur Soomaaliyeed oo ku dhashay ama iyaga oo yar yar la geeyay waddamo badan oo ku kala yaalla qaaradaha adduunka isla markaana lagaga hadla luuqado kala duwan, balse marka ay Af-Somaliga bartaan ay u sahlanaato inay is fahmi karaan sheekooyin isku mid ahna wada akhrisan karaan.

Sahra Ciidle Nuur ayaa warbixintan arrimahaasi ku eegaysa.

Warbixin: Caruurta Soomaalida ee qurbaha iyo barashada Af-Soomaaliga
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:30 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG